Wararka ka imanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dhalinaro ku hubeysan bastoolado ay ku dileen labo ruux halka qof kalana ay ku dhaawaceen.Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Howl-wadaaag meel ku dhow Buundada Sheekh Xasan Barsane waxaana ku dhintey mid ka mid ah ciidamada ammaanka iyo wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga yiqiin magaalada Beledweyne.

Rasaasta la ridey ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacantay qof dumar ah oo la sheegay in ay ku ganacsanaysay goobta uu dilku ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay balse raggii ka dambeeyay dilka ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen halkaas.

Waa dilkii labaad ee sanadkan ay ka geystaan koox ku hubeysan bastoolado magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.