Weriye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Goobjoog Media Group ayaa xabsiga laga siidayay caawa kadib Talaadadii aynu ka soo gudubnay lagu xirey Xarunta Dambi Baarista ee magaalada Muqdisho.

Cali ayaa waxa uu maalinimadii arbacada uu ka soo muuqday Maxkamadda gobalka Banaadir , isagoo lagu soo eedeeyay aflagaado iyo waxyaabo la xariira Imtixaanka wasaaradda waxbarashda. ee dugsiyada sare ee sanad waliba ay qaado.

Garsoorka ayaana laalay dacwadihii lagu soo eedeeyay Cali,waxa uuna cadeeyay in eedeeymaha la hor keenay aan dacwad la oran Karin, waxa Garsoorka uu laamaha ammaanka uu faray in Wariye Cali Aadan xoriyaddiisa dib loo siiyo maalinta jimcada marka uu soo dhamaado Imtixaanka Wasaaradda waxbarashada ay qaado sanad waliba.

Sii deynta Cali Aadan Muumin ayaa waxaa soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka iyadoo ay soo baxayeen maalmihii la soo dhaafay baaqyo ku aadan sii deynta saxafiga.