Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii wiil dhalinyaro ah ku dilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qofka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xasan Cusmaan ayaa waxaa la sheegay inuu u shaqeynayay Hay’adda Samafal oo maxalli ah oo lagu magacaabo Wardi oo ka shaqeysa arrimaha bani’aadanimada, sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah ehelka Wiilka la dilay.

Labo dhalinyaro oo bastooladley ah ayaa ka dambeeyay dilka, kuwaasoo goobta ka cararay, markii ay falka dilka ah geysteen.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay askari iyo shacab, waxaana dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kordhay dilalka qorsheysan ee ay fuliyaan kooxaha hubeysan.