Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa digniin ka soo saaray colaad uu sheegay in dowladda Federaalka ka hurineyso deegaanada Galmudug, kaddib markii xalay Ciidamada NISA iyo kuwa Kumaandooska ay la wareegeen Madaxtooyada Cadaado.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay amar ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ay ciidanka xoogga dalka qeybta 21aad iyo Ciidanka Nabadsugida ay xoog ku qabsadeen Xarunta Madaxtooyada Cadaado

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay dusha u ridaneyso wixii dhibaato ee ka dhasha daan daansiga iyo colaad hurinta ay ka wado Galmudug.

“Halkii ay ka shaqeyn laheyd midnimo iyo wadajir lagu wajaho cadawga Al-Shabaab ayay dowladda Federaalka ka door biday kala qeybin iyo kala geyn”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.