Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr Fawziya Abikar Nur ayaa shalay xariga ka jartay Xarunta Daaweynta iyo Qaliimada Xanuunka Isku-furanka Haweenka(Fistula) oo laga dhisay magaalada Muqdisho.

Xaruntaasi ayaa laga furay Isbitaalka Guud ee Dayniile, waxaana Xaruntaasi si mutadawcnimo ha u dhisay Ganacsade ka tirsan bulshadda Degmada Dayniile, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay ku Qalabaysay in ka badan 150 sariirood oo lagu daawaynaayo haweenka la il-daran Xanuunka Isku-furanka (Fistula).

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaliya ayaa hore u fulisay olole qaliin loogu sameeyey in kabadan 800 oo bukaaan, Qaliimadaas ayaa ka dhacay Isbitaalka Guud ee Dayniile.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaliya ayaa u mahad celisay Hey’adda Physicians Across Continents (PAC) oo qeyb weyn ka qaadatay daawaynta iyo qaliimada xanuunka Isku-furanka haweenka Soomaaliyeed.