Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan oo loo yaqaano Beene Beene ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu horay u balan-qaaday in 6-dii bilba inuu Baarlamaanka hor imaanayo, illaa iyo hadana aanu balantaas fulin.

Xildhibaan Beene Beene ayaa sheegay in labo sano iyo dhowr bil oo ay jirto Xukuumaddan aanay illaa iyo hada dhicin Wasiir lala xisaabtamay oo Baarlamaanka hor-yimid, taasoo uu ku tilmaamay inay ku dhacday Xildhibaanada oo shaqadooda gabay.

“Labo sano iyo dhowr bil ma jiro Hal wasiir lala xisaabtamay oo Baarlamaanka yimid, Ra’iisul Wasaare Kheyre wuxuu horay noogu balan-qaaday 6-dii bil kastaba anigaa Baarlamaanka hor imaanaya, iima yeereysiin, walina ma dhicin taas”ayuu yiri Xildhibaan Beene Beene.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalintii labaad dood kulul ka leh arrimaha Amniga, iyadoo kulanka maantana uu yahay mid albaabada u xiran oo Wasiirada qaabilsan arrimaha Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ay ka jawaabayaan su’aalaha la weydiinayo.

Halkan hoose ka daawo:

Xildhibaan Beene-Beene"Marqaati ayaad ka tihiin Laba sano iyo dhawr bilood hal wasiir halkaan ma imaan,Rw kheyrre o

Xildhibaan Beene-Beene"Marqaati ayaad ka tihiin Laba sano iyo dhawr bilood hal wasiir halkaan ma imaan,Rw kheyrre oo nagu yiri 6-bilood walba adinkoo iwicin baan imaanayaa ma imaanin,dalku quus buu joogaa qof walba oo Soomaali ah bay ka muuqataa" https://youtu.be/WW4Hm3d7ln8

PubliƩe par Dalsan TV sur Samedi 13 avril 2019