Xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kormeer ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay deegaan doorashadiisa tahay.

Xildhibaanka ayaa u kuur galay xaalada deegaanada hoos-yimaada degmada Balcad, waxaana uu ka qeyb qaatay mashaariic laga fuliyay Tuulada Isgoys, halkaasoo dib u dayactir loogu sameeyay kanaalka Faarax Gololey oo waraabiya kumanaan heegtar oo beero ku yaala tuulooyin dhowr ah.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ku deeqay booyad shidaal ah oo loogu tala galay gawaarida qodeysa kanaalka, waxaa uu kaloo dhaqaale ku bixiyay mashruuca biyo gelinta iyo dayactirka ceelka Tuulada Isgoys.

Intii uu kormeerka ku jiray ayuu Xildhibaanka soo kormeeray fariisimaha Ciidamada xoogga dalka kaga sugan yihiin duleedka Balcad, waxaana uu ciidanka u gaarsiiyay labo neef oo Geel ah iyo daawo

Xildhibaanka ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehliyay Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo ka mahad celiyay taageerada Xildhibaanka ee uu kaga qeyb qaatay horumarinta mashaariicda deegaanka.