Kooxo hubeysan ayaa goor dhow ku dilay Muqdisho Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa lagu dilay meel ku dhow hoygiisa ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Raggii hubeysnaa ee dilka geystay ayaa la sheegay inay baxsadeen.

Cusmaan Cilmi Boqore ayaa ka mid ahaa Xubnaha Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa soo noqday Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaankii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya, sidoo kale waxaa uu ahaa ninka ugu da’da weyn Baarlamaanka

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe