Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland uu kugeeriyooday shil gaari.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in shilka gaari uu ka dhacay tuulada Xange waxaana shilka gaari sidoo kale ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay maxamed Saalax oo la socday xildhibaanka.

Alle ha u naxariistee xildhibaankan ayaa markii uu shilkaas gelayey kusoo jeedey dhinaca magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa tacsi u direy qoyskii iyo eheladii iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Maxamed Faarax Mire.