Guddiga Doorashada Madax banaan ayaa goor dhow magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) uu ku guuleystay doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee deegaan doorashadiisa tahay Koofur Galbeed.

Doorashadan ayaa aheyd mid layaab ah, maadaama goobta ku sugnaa Musharax kaliya oo ah kan la doortay, halka Musharaxii la tartami lahaa uu goobta ka maqan yahay.

Xildhibaanka ku guuleystay kurisgan aya helay dhammaan cododkii Ergada oo ahaa 51 cod, waxaana tani ka mid noqoneysa natiijooyinka doorashooyin uu qabtay Guddiga doorashada oo mugdi badan la geliyay.

Wararka ayaa sheegaya in Musharaxii ku tartami lahaa Kursigan oo lagu magacaabo Sayid Cali Cismaan Xuseen ayaa goobta ku sugneyn, waxaana la sheegay inuu ku maqan yahay dalka Canada, waxaana su’aal la gelinayaa in doorasho Musharaxii tartami lahaa in hal Musharax kaliya oo goobta jooga loo qabto.

Kursiga Xildhibaannimo ee loo doortay Cali Afgooye ayaa waxaa banneeyay Taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen oo xilkaas iska casilay sanadkii hore, isagoo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, hase ahaatee guuldareystay.