Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Guriceel Odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada, iyadoo roog gaduudan loo fidiyay.

Xildhibaanka ayaa la filayaa inuu safar dhulka ah ku tago magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana uu halkaas kula kulmayaa Mas’uuliyiinta sare ee Galmudug.

Socdaalka Xildhibaanka ayaa salka ku haya dhowr arrimood, sida dib u heshiisiin guud iyo mid gaar ah, tabashooyin ay ka qabaan dadka reer Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Waxaa kaloo ka qeyb qaadan doonaa diyaar garowga gogol uu fidiyay Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo dhowaan ka dhici doonta Guriceel.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa balan qaaday furida mashaariic ceelal laga hirgeliyay tuulooyin hoos-yimaada Guriceel, Balanbale iyo Dhuusamareeb.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa lagu xusuustaa xilligii uu ahaa Wasiiru dowladaha Madaxtooyada ee dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh inay xiisado ka dhasheen dhismihii Maamulka Galmudug iyo iska hor imaadyo dhex maray Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna.