Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka hadlay is hortaag Maamulka Jubbaland uu ku sameeyay dadweyne ku soo dhaweyn lahaa garoonka magaalada Kismaayo.

Xiddig oo gaaray Kismaayo, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in Ciidamada amniga Jubaland fuliyeen awaamiir ka soo baxday Hoggaankooda, isagoo ku amaanay sida wanaagsan ee ay ula dhaqmeen taageeryaashiisa.

“Waxaan bogaadinayaa ciidamada Amniga ee Jubaland oo si ixtiraam badan ula dhaqmay shacabka anigoo huba inaysan raali ka ahayn sida shacabka loola dhaqmay balse fuliyay amarkii lasiiyay, Markale Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheyda gudaha iyo dibada inay u hogaansamaan tilmaamaha heyadaha Amniga kuna ekaadaan goobahooda” ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Waxa uu sheegay inuu lug kaga soo baxayo garoonka Kismaayo ilaa uu ka galo gudaha magaalada, isagoo arintaasina sabab uga dhigay hab dhaqankii lagu sameeyay dadkii saaka isu diyaariyay iney uga hortagaan Garoonka, si ay ugu muujiyaan iney taageersanyihiin musharaxnimadiisa.

“Mahad gaar ah Waxaan u celinayaa Shacabka reer Jubaland ee maanta u diyaar garoobay soo dhaweyntayda balse laga hor istaagay waxaan markale ugu baaqayaa inay is dejiyaan una hogaansamaan heyadaha Amniga, Waan hubaa inay tahay maalin taariikhi ah oo shacab Caleemo Qoyan wata laga hor istaago soo dhaweynta Murashaxooda Madaxweynaha Jubaland 2019” ayuu yiri Xiddig.

Xildhibaan xiddig, ayaa la wadaagay wixii maanta ka dhacay garoonka Kismaayo; Maamulka Jubaland, dowladda federaalka, Urur Goboleedka IGAD,Amisom Sector 2 oo Kismaayo ka howlgasha iyo beesha Caalamka.

C/rashiid Maxamed Xidig oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland doorashada dhici doonta bisha Agosto ee sanadkan.

Si kastaba, Guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa mamnuucay olole doorasho oo xilligan la qabto, iyagoo ku wargeliyay Musharaxiinta in nidaamka Ololaha doorashada looga dambeeyo Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha oo dhowaan la dhisi doono.