Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Farmaajo oo bayaan ka kooban 10 qodob ka soo saaray Mooshinka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee taagersan Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta kulan dhoolatus ah ku yeeshay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka Xildhibaanada goobjooga aheyd lagu qiyaasay inay gaarayaan illaa 135 Xildhibaan.

Xildhibaanada ka hadlay kulanka ayaa waxay ka soo horjeesteen Mooshinka laga keenay Madaxweynaha, kaasoo 9-kii bishan uu qabtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Qaar ka mid ah Xuldhibaanada ka hadlay ayaa sheegay in Mooshinkaas uu buray oo aan sharci aheyn, iyagoo ku baaqay in kulanka Golaha Shacabka la furo, waxaana baaq iyo eedeymo culus u jeediyeen Guddoomiye Maxamed Mursal oo dhowaan ka guuray hoygiisa ku yaalay Madaxtooyada.

Halkan hoose ka akhriso bayaan ka kooban 10 qodob oo ay soo saareen Xildhibaanada.