Munaasabada lagu daahfurayay xarunta cusub ee Xisbiga Siyaasada Dhalinyarada Soomaaliyeed uu ku yeelanayo caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta laguqabtay magaalada Jowhar.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay maamulka degmada Jowhar, kan gobolka Sh/dhexe,xildhibaano,ururada bulshada sida dhalinyaro, haween, duubabka dhaqanka iyo dadweyne kale.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay Daahfurka Xisbiga SYPP oo ah xisbigii ugu horeeyay ee laga daahfuro magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa ay soo dhoweeyeen xarunta uu xisbigan ka furanayo magaalada Jowhar caasimada Hirshabelle.

Wakiilo ka socday ururada dhalinyarada iyo haweenka oo ka hadlay munaasabadan ayaa ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Hirshabelle maadaama xisbigan ka tarjumaya Dhalinyarada uunoqday xisbigii ugu horeeyay ee magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar muddo ka badan konton sano.

Nabadoon Axmed Colow Beerey oo ah guddoomiyaha Duubab gobolka Sh/dhexe ayaa si weyn u soo dhoweeyay daahfurka xisbiga SYPP waxana uu sheegay in uu yahay xisbi ka tarjumaya baahiyada shacabka Soomaaliyeed.

Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali oo ka hadlay munaasabada daahfurka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xisbi ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed waxana uu ugu baaqay mas’uuliyiinta xisbiga inay muujiyaan waxyaabihii loogaga bartay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasadda Dhalinyarada Soomaaliyeed SYPP Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ahna wasiirku xigeenka arrimaha dastuurka ayaa ka warbixiyay taariiqda xisbiga siyaasada dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Xisbiga waxaa la aasaasay sanadkii 2013kii mana aha xisbi cusub waxaana uu xisbigu soo shaqeeyay muddo dheer. Waxaana loo aasaasay in uu horumar gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada dalka.”ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasadda Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha xisbiga SYPP Mudane Kheyre ayaa waxa uu ugu baaqay Dowlada Fedreralka in la dhiso maxkamada dastuuriga si dalka Soomaaliya ay ugaga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Waa in si deg-deg ah loo dhisaa Maxkamada Dastuuriga haddii aan la dhisin cid geli karta doorasho qof iyo cod ah,waxaana halkaas ka imanaya tuhun ah waqti kororsiimo ay xukuumadu isu diyaarinayso.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Kheyre.

Xisbiga SYPP ayaa horaantii bishii aynu ka soo gudubnay waxa uu sidan oo kale uga daahfuray xarun magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaana uu xisbigu qorsheynayaa in guud ahaan dalka uu ka furto xarumo iyo xafiisyo.