Xisbiga Wadajir oo kamid ah xisbiyada dalka ka dhisan ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd eek u timid Allaha u naxariistee Wasiirkii Dastuurka Dowlada Federalka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Qoraal uu soo saaray xisbiga Wadajir ayuu ku tilmaamay Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh inuu ahaa qareen u dooda xuquuqda bani’aadamka iyo gaar ahaan dadka dulman.

Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ku geeriyooday magaalada Dubai kadib markii xanuun kedis ah ku soo booday.