Munaasabad afur ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Garabka dhallinayada ee Xisbiga Wadajir ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Musaabadada ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal dhallinyaro ah oo ka tirsan Xisbiga Wadajir, wakiil ka socda garabyada Xisbiyada kale ee dalka ka jira iyo qaar ka mid ah masuuliyiiinta Sare ee Xisbiga Wadajir.

Garabka dhallinyarada ayaa soo bandhigay howlahii ay qabteen muddooyinkii ugu dambeeyey iyadoo aad looga hadlay taariikhdii halyeeyadii SYL. Sidoo kale inta ay xafaladda socotay ayaa waxaa la qabtay dood cilmiyeed ku saabaan kaalinta dhallinyaradda ee dalka.

Ugu dambeeyntii ayaa goobta waxaa laga aqriyey farriin uu sooo diray hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dalka dibadiisa ku maqan, farriinta ayaa u dhigneeyd sidaan: “ Dhalinyaradii SYL dhidibada u taaagay waxay dusha u riteen xaaqiijinta sedax hadaf oo waaayn. 1- In ay gumaystihii dalka ka xoreeyaan 2- in ay dhisaan dawlad Soomaaliyeed 3- In ay shantii gobol ee Soomaalida ahaa mideeyaan. Gumaystihii dalka way ka xoreeyeen, labo gobol oo shantii ka mid ahna way mideeyeen. Dawladii rayadka ahayd ee ay dhiseen iyadoo ku hawlan baadigoobkii sedaxdii kale ayaa milaterigii dalka afganbiyey.

Milaterigii talada la wareegey waxay kala direen SYL, dawladiina way dumiyeen, labadii midowdana way kala irdheeyeen, guusha mirihii SYL na halkaas ayey ku dayaceen. Welina todobaatan iyo lix sano ka dib, lama hayo Urur, ama Xisbi Soomaali ah oo SYL la mid ah.

Maanta dhalinyarada Soomaaliyeed ma laha aqoonsi/ hawiyad siyaasadeed (political identity). Caqabadaha ugu wayn ee haysataana waa aragtiyo gurracan oo qabyaalad, xagjirnimo diineed iyo gobolaysi ka soo maaxay.

Maadaama aysan inta badan dhalinteenu ku hubaysnayn caqli iyo feker xor ah oo dhaliili kara waaqaca iyo afkaarta haraadiga ah, lana imaan kara curis iyo su’aalo dhaliil iyo dhab hadal leh, waxaa dhalinyaradii si sahlan ugu gacan galeen aragtida ku dhisan fasirka shirqoolka (Wax kasta gacan ajnabi ayaa danbayso), iyo khalad laga fahmay Qadarka Alle ( In wixii nagu dhacaaba na loo qoray) iyo in laab la kac iyo xamaas wax lagu taageero. Tani waxay meesha ka saartay masuuliyad qaadasho iyo in laga quusto wax qabad xaalada wax looga bedelayo.

Dhalinyaradu waa in ay ka xoroobaan afkaaraha gurracan ee caqligooda dabraya, dilayana ruuxda fikirka iyo hamiga nolosha. Waa in ay la yimaadaan fikir xor ah, caqli dhaliil iyo curin leh, jeexdaana wado aan qabyaalad iyo xagjirnimo ahayn, wadada qiyamka madani ah (civic values), markaas ayaan riyadii dhalinyiradii SYL soo rogaal celin karnaa”