Munaasabad lagu soo bandhigay xog ku saabsan abuur bariis oo ay dhowaan shiraddaha ku bahoobay Danwadaag Group ay ku abuureen magaalada Jowhar ayaa lagu qabtay maanta magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka,xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyntii waxaa munaasabadan ka hadlay Maryam Xaaji Daa’uud oo ah madaxa Danwadaag Group xafiiskiisa Jowhar iyo Cabdulaahi Cabdifataax Sh.Axmadey oo ah Madaxa Danwadaag Group xafiiska Muqdisho iyagoo ka warbixiyay taariiqda shirkadda Danwadaag iyo waxqabadkeeda.

Dr Maxamed Cali Cootey oo ah khabiir ku taqasusay dhinaca beeraha ayaa ka warbixiyay abuurka cusub ee ay shirkada danwadaag soo bandhigtey isagoo xusay in xilligan la helay abuur ku wanaagsan inuu ka baxo magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay Cabdi Aadan Ibraahin oo ah ruugcadaa beeralay ah oo muddo dheer ku soo dhex jirey tacabka Bariiska isagoo ka sheekeeyay taariiqda beerista Bariiska.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Jowhar Cismaan maxamed muqtaar oo ka qeybgalay munaasabada bandhiga abuurka bariiska ayaa u mahadceliyay shirkadda Danwadaag Guruub waxqabadkooda.

Wasiir ku xigeenka beeraha iyo waraabka Dowlad goboleedka hirshabelle Maxamed Bashiir Qaasin ayaa ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in shirkadda ku dadaashay sidii loo heli lahaa abuur ku habboon dalka ay mudan tahay in la abaalmariyo.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle maxamed cabdi waare isagoo ku dheeraaday faaidada tacabka beeraha ay u leeyihiin bulshada.

“Dowlad goboleedka Hirshabelle waxa ay marwalba garab taagan tahay ciddii dooneysa inay ka qeybqaadato horumarinta waana amaanayaa shirkadda danwadaag.”ayuu yiri Madaxweyne Waare oo qudbad dheer ka jeediyay munaasabada lagu qabtay magaalada Jowhar.

Beerashada bariiska oo hoos u dhacc uu ku yimid sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa haatan shirkada danwadaag ay bilowday kordhinta waxsoo saarka dalka sida bariiska iyo dalagyo kale.