Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn dhinaca Cirka ah oo ay Jimcihii shalay ka geysteen Ceel Biyood ku yaalla inta u dhaxeysa Cameyra iyo Timirshe oo ka tirsan Degmada Isku shuban ee Gobolka Bari.

Qoraal lagu daabacay Twitter-ka Africom ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Drones-ka ee Mareykanka ay gantaalo la dhaceen goobo ay ku sugnaayeen xubno Daacish ah, iyadoo weerarka ay kaalin ku lahaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay inay Saddex xubnood oo Daacish ah ay ku dileen weerarka, iyagoo meesha ka saaray inuu jiro wax khasaare ah oo dadka Shacabka ah ka soo gaaray.

Weerarkii shalay ayaa noqonaya howlgalkii labaad oo ka dhan ah Daacishta Soomaaliya oo uu Mareykanka ka fuliyo deegaanada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.

14­-kii bishan, Mareykanka ayaa gantaal la helay gaari marayay tuulada Xiriiro, isagoo halkaas ku dilay hogaamiye ku xigeenkii Daacishta Soomaaliya, Cabdixakiin Dhoqob.