Ugu yaraan 26 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii gantaalo lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Abha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Gantaaladan ayaa waxaa la sheegay inay soo rideen kooxaha Xuutiyiinta oo ah jabhad la dagaalanta ciidamada maamulka dalka Yemen.

Dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa ahaa dad ku sugnaa gudaha garoonka diyaaradaha oo sugayay diyaarad ay raacaan.

Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu sacuudiga hoggaamiyo oo dagaalka ka wada dalka Yaman ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarkan ay ka soo kala jeedaan dalal kala duwan isla markaana ay ku jiraan carruur iyo haween.

Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan gudaha dalka Sacuudiga,hayeeshee weerarkaan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa weerarada ay Xuutiyiinta ka geysteen dalka Sacuudiga.