Wararkii u dambeeyay xaalada dhakhtarad u dhalatay dalka Itoobiya oo iska soo tuuray dhisme ku yaal Garowe

Xaalada caafimaad ee Dr. Nadia Omar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Ethiopia oo xalay iska soo tuurtay dabaqa hotel ku yaal magaalada Garowe ayaa ka soo reyneysa sida ay sheegayaan dhakhaatiirta isbitaalka lagu daweynayo.

Illaa hadda si rasmi ah looma shaacin sababta keentay in dhakhtaradan dhalinyarada ah ee Muslimka ah kana soo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia ay iska soo tuurto dabaqa hotel ay ka degeneyd Garowe.

Dhakhtaradan ayaa la sheegay in ay u dhaxday dhakhtar asal ahaan kasoo Jeeda Suuriya balse haysta dhalashada Turkiga kaasoo ka howlgala Puntland

Wararka waxa ay sheegayaan in Dr. Nadia ay ka tagtay bilowgii sanadkan isbitaal ay ka shaqeyn jirtey oo layiraaho Qaran Hospital iyadoo qaabilsanayd xanuunada Haweenka.

Laamaha amaanka Garowe ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentay inay ka soo dhacdo dabaqa hotelka ay ka degeneyd Garowe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More