Wararkii u danbeeyay Kulanka Dhuusa-mareeb uga socda Xasan Sheekh iyo mucaaradka Laftagareen

Sep 30 (Jowhar.com)- Golaha Is bedel Doonka Koofur Galbeed oo ay hoggaaminayaan Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo ay kulan kula leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ay laba qodob kala hadli doonaan madaxweynaha, kuwaas oo kala ah dagaalka Al-Shabaab iyo arinta kale ee ay aadka u daneynayaan ee ah doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Siyaasiyiinta ayaana madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlaya fulinta heshiiskii horey loogu gaaray magaalada Baydhabo oo dhigayay in muddo sannad ah loogu daro madaxweyne Laftagareen , taa oo hadda ka harsan tahay kaliya muddo labo bil ah.

Mas’uuliyiintan hore iyo siyaasiyiinta reer Koofur Galbeed ayaa saluugsan in aanay muuqan saan-saan Doorasho iyo Hirgelinta war murtiyeedkii heshiiskii Baydhabo ee lagu xaliyay xiisadii siyaasadeed ee horaantii sanadkan ka taagneyd, kaasoo lagu go’aamiyay in Doorashada guddoonka Baarlamaanka, tan Madaxweynaha la qabto horaanta sanadka 2024.

Si kastaba,  xubnahan ayaa hore u sheegay inay isku diyaariyeen inay Baydhabo safar dhulka ah ku tagidoonaan, kaddib markii uu Lafta Gareen xirtay garoonkii diyaaradaha ee Baydhabo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More