Wararkii u danbeeyay wasiirka Cadaalada Koofur Galbeed oo qarax Ismiidaamin ah lagu dilay.

July 29 (Jowhar.com)-Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo ahaa wasiirka Caddaaladda ee maamulka Koogurgalbeed ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday qarax Ismiidaamim ahaa oo lagula eegtay magaalada Baydhabo salaaddii Jimcaha kadib xilli uu masjidka kasoo baxayey.

Wararku waxay tilmaamayaan in sidoo kale dhimasho iyo dhaawac aan wali tira sax ah laga haynin ay qaraxaas ku geeriyoodeen oo qaarkood ahaa ehelka iyo ilaalada wasiirka geeriyooday.

Wasiirka qaraxa lagu dilay ayaa Salaadii Jimcaha kadib dadka u jeediyay khudbo uu uga hadlayay dhagarta Shabaab iyo in dadka ka qeyb qaataan u gurmashada dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku sugan deegaano kamid ah maamulka Koofur Galbeed.

Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo waxaa buux dhaafiyay tiro dad ah oo dhaawacyo kala duwan qaba, kuwaasoo qaarkood xaaladooda laga deyrinayo, waxaana laga yaabaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Kooxda Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso deegaanada Koofur Galbeed, qaraxan kii kahoreeyay waxa ay 27kii bishan oo Arbacadii ku beegneyd ay ku dileen gudoomiyihii Marko Waafoow, halka saaka ay weerar madaafiic ku bioowday ay ku qaaday deegaanka Aato ee gobolla Bakool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More