Wararkii ugu dambeeyay xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Turkiga Erdogan

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada caafimaad ee Madaxweynaha Turkiga ayaa la soo sheegayaa inay degen tahay oo uusan dareemeyn astaamo xanuun ah kadib markii laga helay cudurka Covid 19.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay 5-tii Febraayo intijaabiyey cudurka ‘Covid-19’ balse uusan la kulmin astaamo daran.

“Kadib markii aan isku aragnay calaamadaha cudurka, aniga iyo xaaskeyga waxaa nalaga helayt cudurka ‘Covid-19. Waxaan qabnaa caabuq fudud mahadsanid, kaasoo aan ogaanay inuu yahay noocyada Omicron” ayuu madaxweynuhu ku yiri bartiisa twitter-ka.

“Waxaan ku jirnaa waajibaad. Waxaan ka sii wadi doonaa shaqada guriga. Waxaan rajaynaynaa ducadaada,” ayuu yiri.

Edogan oo 67 jir ah ayaa fariintan soo diray ka dib markii uu ka soo muuqday talefanka videolink ee xaflada furitaanka tunnel-ka ee Istanbul, isaga oo joojiyay muuqaalkiisa shakhsi ahaaneed.

Madaxweynaha ayaa muuqaalkiisa telefishinka ka muuqan waayay wax xanuun ah.

Marwada koowaad Emine Erdoğan ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay in ay rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga wada bogsoodaan xanuunkooda.

Siyaasiyiinta iyo madaxda mucaaradka ayaa u rajeeyay Erdoğan iyo marwada madaxweynaha caafimaad degdeg ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More