Wasaaradda Waxbarashada oo ka mahadcelisay kordhinta Miisaaniyadda 2023

Dec. 31 (Jowhar.com) -Wasaaradda, Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay talaabada wanaagsan oo ay qaadeen baarlamaanka labadiisa aqal.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa qoraal uu soo saaray uga mahadceliyay labada gole kordhinta miisaaniyadda isagoo sheegay in Wasaarada Waxbarashada ay qaadan doonto saddex kun oo Macalimiin ah maadaama la kordhiyay miisaniyada.

“Yoolka qaadashada Macalimiinta cusub,waxaa qeyb ka ah in mudnaan gaar ah la siiyo gabdhaha Soomaaliyeed ee wax bartay,macalimiinta farsamada,macalimiinta dugsiyada quraanka,dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo dadka ku nool deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta.”ayuu yiri Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ugu dambeyntii wasiirka waxbarashada ayaa ugu baaqay golayaasha dowlad goboleedyada inay kordhiyaan qoondada miisaaniyada waxbarashadaha dowlada xubnaha ka ah Dowlada Federalka.

Halkan hoose ka akhriso War Saxaafadeedka;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More