Wasiir Fiqi oo wadahadal gaar ah la yeeshay safiirka Qatar

May 12 (Jowhar.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda  Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Safiirka Dowladda Qatar ee walaalaha aan nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Intii lagu guda-jiray booqashada waxaa lagaga hadlay qoto-dheeraynta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay xiriirka labo geesoodka ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo dadaallada iskaashi ee labada dal, iyo sida ay uga go’antahay xoojinta iskaashi dhinacyo badan leh oo ka tarjumaya himillooyinka ay wadaagaan ee ah hiigsiga horumar iyo barwaaqo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More