Wasiir ku xigeenka Caddaaladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

May 01 (Jowhar.com)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 ayaa maanta Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Turkiga Mudane Niyazi ACAR iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka ku yimid casuumaad uu wasiirku u fidiyay.

 

Soo dhaweynta wafdigaan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş iyo diblomaasiyiinta safaaradda Turkiga.

Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Turkiga Mudane Niyazi ACAR ayaa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS uga mahadceliyay soo dhaweyta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay.

Wasiir Xasan Macallin iyo Wasiir Niyazi ACAR ayaa inta wafdigu uu Muqdisho joogo yeelan doona kulamo ay uga wada hadlayaan ajandayaal badan oo ay ugu weyn tahay xoojinta xiriirka arrimaha caddaaladda iyo garsoorka ee labada dal.Booqashada rasmiga ah ee wafdigaan ayaa timid kadib safaro shaqo oo uu hore wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tagay dalka Turkiga.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa caasimada dalka imanayay wufuud kala duwan oo ka socda dowlada Turkiga,waxaana wafdigii ugu dambeeyay uu ahaa wafdi uu horkacayay Agaasimaha Sirdoonka dalka Turkiga oo shalay soo gaaray Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More