Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Huruuse oo is-casilay

Dec 18 (Jowhar.com)-Wasiirkii Arrimaha dibada ee Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa goordhow iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumada Soomaaliya.

Sida wararku tilmaanayaan, warqada Iscasilaadiisa wuxuu u gudbiyey Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Huruuse ayaa maanta u socdaalaya Puntland, isagoo qeyb ka ah musharaxiinta Foolaadka u ah loolankana ugu jira qabashada xilka Madaxweyne-nimada ee Puntland, halkaas oo ay soo dhaweyntiisa ka socoto.

Mr. Haruuse oo ah nin ganacsade ah ayaa kamid ah musharixiinta ay gadaal ka riixeyso dowladda Soomaaliya, si meesha looga saaro madaxweyne Siciid Deni.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More