Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Boqortoyada Sacudi Carabiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Soomaaliya, Mudane  Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa kula kulmay magaalada Munich ee dalka Jarmalka Wasiirka Arrimaha Dibadda boqortooyada Sacudi Carabiya.

Kulankan oo gaar ka ahaa shirka amniga ee ka socda magaalada Munich ayaa labada wasiir waxa ay ugaga wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdul Saciid Muuse Cali ayaa kamid ah madaxda caalamka ee ka qeybgalaysa shirka amniga ee ka socda magaalada Munich waxana uu sidoo kale ula kulmay wasiirka Arrimaha Dibada Austria H.E Karl Nehammer.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More