Wasiirkii Gaashaandhiga Israel Benny Gantz oo is casilay

June 09 (Jowhar.com)- Wasiirkii Gaashaandhigga Israel oo ka tirsanaa Golaha Wasiiradda Dagaalka ee Israa’iil, Benny Gantz ayaa iska casilay xilkii uu ka hayey dowladda.

Shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ka hortagayo waxa uu ugu yeeray guul dhab ah oo laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Xamaas, wuxuuna sheegay in ay tahay in uu muddeeyo waqtiga doorashada.

Bishii la soo dhaafay, Mr Gantz ayaa 8 June u qabtay Mr Netanyahu si uu u qeexo sida Israa’iil ay ku gaari lahayd lixda qoddob ee “Himilooyinka istaraatiijiyadeed”, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo sameynta maamul rayid ah oo caalami ah.

“Nasiib darro, Mr Netanyahu wuxuu naga hor istaagayaa inaan u dhawaanno guusha dhabta ah, taasoo qiil u ah dhibaatada xanuunka badan ee socota,” ayuu yiri.

Mr Netanyahu ayaa ku jawaabay qoraal uu soo dhigay X: “Benny, hadda ma ahan waqtigii la joojin lahaa ololaha, hadda waa waqtigii la isku biirin lahaa xoogga.”Hogaamiyaha mucaaradka Yair Lapid ayaa taageeray go’aanka Mr Gantz isagoo ku tilmaamay mid muhiim ah oo sax ah.

Mr Ben-Gvir waxa uu qeyb ka yahay isbaheysiga garabka midig ee ku hanjabay in uu ka tagi doono oo uu burburin doono dowladda haddii Israel ay aqbasho soo jeedinta xabad joojinta ee uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Israa’iil waxay dhistay gole wasiir oo dagaal ka kooban saddex qof kaddib weerarradii 7-dii Oktoobar

Intii lagu guda jiray shirka jaraa’id, Mr Gantz wuxuu sheegay inuusan shakhsi ahaan iska casilin xukuumadda, balse uu sidoo kale ka baxayo xisbiga Midnimada Qaran ee uu guddoomiyaha ka yahay.

Sidoo kale waxaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo ka mid ahaanshaha ciidamada taliye sare oo madax ka ahaa qaybta IDF ee Gaza, sababo la xiriira waxa uu ugu yeeray fashilka weeraradii 7-dii October.Sareeye Guuto Avi Rosenfeld waa taliyihii ugu horreeyay ee ciidamada IDF ee xilka ka daga tan iyo weerarada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More