Weerarrada Israel ee magaalada Gaza oo sii ballaaranaya

Oct 31 (Jowhar.com)-Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caawinta Falastiiniyiinta ayaa Isniintii sheegay in dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza ay la kulmaan ciqaab wadareed iyo barakicin khasab ah, iyadoo Israa’iil ka falcelineysa weerarkii Hamaas.

“Xabbad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah waxay noqotay arrin nolol iyo geeri u ah malaayiin,” Guddoomiyaha UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ka sheegay shir degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay xaaladda.

Ciqaab wadareed iyo barakicin khasab ah waxay u horseedi kartaa dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyo dembiyada dagaalka.

Dhanka kalena Israel waxay sheegtey in ay kordhisey weerarada Gaza, hadaba Dr Hassan Al Basri oo bartey xiriirka caalamiga ah iyo diplomaasiyada kana tirsan Jaamacada Axkaaf ayaa iiga waramey xaaladihii ugu danbeeyey ee Gaza.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More