Xaafado ka mid ah Beledweyne oo caawa laga barakacayo

May 01 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in roob xoog leh oo ka da’ay gelinkii dambe ee maanta illaa caawa uu sababay in xaafado ka mid ah magaalada laga barkaco.

Daadad xoog leh ayaa ku soo rogmaday magaalada waxaana qaar kamid ah guryaha la degen yahay galay biyo faro badan.Xaafadaha laga barakacayo ayaa waxaa kamid ah xaafada Kooshin oo ka mid ah xaafadaha ugu waaweyn magaalada Beledweyne.

Qoysas badan oo hurdayay guryahooda ayaa waxaa ay arkeen inay biyo soo galay guryahooda waxayna bilaabeen inay ka cararaan guryahooda.

Waxaa ku go’odoonsan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Beledweyne ,Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in wabiga Shabelle uu ku fataho magaalada maadaama haatan uu wado biyo faro badan.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa xilliyada roobabka waxaa magaalada Beledweyne ku fatahayay wabiga Shabelle iyadoo inta badan dadka magaalada degen ay u guurayeen duleedka magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More