Xasan Sheekh, Aadan Madoobe iy Rooboow oo shir deg deg ah uga socdo madaxtooyadda.

August 02 (Jowhar.com)-Iyadoo lagu wado in saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada ayaa waxaa hadda shir uga socdaa Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Sheekh Mukhtar Roobow oo ka mid ah Golaha Wasiirada.

Kulanka ayaa intiisa basan diirada lagu saarayaa arrinta la xiriirta xilka loo wado Rooboow iyo sida ay tahay in loo bari yeelo, maadaama mudo saddex sano ah uu y xirnaa arrimo la xiriirta kooxdii Shabaab ee uu ka tirsanaa.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo saari doonto warqad dambi la’aan ah oo si buuxda ugu ogolaaneysa xoriyadda Mukhtar Roobow.

Rooboow ayaa loo wadaa wasiirma Diinta iyo Awqaafta, wuxuuna nooqbayaa maxbuus isu bedelay wasiir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More