Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah uga hadlay furitaanka kalfadhiga 2aad ee BFS.

Nov. 15 (Jowhar.com) -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay kalfadhiga labaad baarlamaanka Soomaaliya, isagoo u jeediyay mudanayaasha labada aqal khudbo uu uga hadlay xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan oo soo qaatau dagaalka dowladda ay kula jirto Shabaab waxa uu sheegay ineysan dib uga laaban doonin dagaalkan ilaa kooxdan dalka guud ahaantiisa laga ciribtiro.

“Maanta Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn. Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta. Waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena.” ayuu yiri madaxweynaha.

Si kastaba, Munaasibada daahfurka kalfadhiga waxaa kasoo qeyb-galay Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo labadooda ku-xigeen, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaanada labada Aqal, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Guddoomiyaasha Golaha Wakiillada dowladd-gobaleedyada iyo marti sharaf kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More