Xasan Sheekh oo ugu baaqay ganacsatada inay qiime jaban ku iibiyaan gaaska

May 12 (Jowhar.com)-Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ayaa ka dalbaday ganacsaada Soomaaliyeed in la raqiisiyo qiimaha Gaaska wax lagu karsado si qoys walba u awoodo iibsashadiisa.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta xariga ka jaray Xarun lagu keydiyo Gaaska oo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho ayaa ku ammaanay Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka iyo dib u dhiska dalka

“Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’iideyaan shacabka isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan gobolada dalka si fursadaha horumarku uu u wada gaaro guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More