Xildhibaanada oo laga codsaday in kala bar mushaarkooda u weeciyaan gurmadka abaaraha.

June 12 (Jowhar.com)-Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Golayaasha Baarlamaanka 11-aad ee JFS wadajira siiyay warbixin guud oo ku saabasan xaaladda abaarhaee dalka.

Ergaygu wuxuu Xildhibaannada la wadaagay in 7.1 Milyan [Todobo malyan iyo boqol kun oo qof] oo Soomaali ah ay abaaruhu saameeyeen, dhammaan gobollada dakana ay ka taagan yihiin xaalado bini’adannimo oo ka jawaabid iyo gurmad degdeg ah u baahan.

Ergaygu wuxuu sheegay in dadka abaaruhu wax-yeelleeyeen ay ka qaxayaan guryahoodii una diga-roganayaan kaamamka qaxootiga ee magaalooyinka, si ay u helaan nolol dhaanta midda MIYIGA ay ku ceyrtoobeen. Sidoo kale, wuxuu xusay in qeyb ka mid ah dadku ka barakacayaan dhibaatada ay ku hayaan Kooxda Al-Shabaab.

“Todobo malyan iyo boqol kun oo qof oo Soomaali ah ayay abaaruhu saameeyeen, Shan malyan iyo labo boqol oo kun oo ka mid ah ayaa halis ugu jira in ay abaaruhu wax-yeelleeyaan, halka ay laba boqol iyo konton kun oo ruux ay macluul qarka u saaran yihiin”, ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Hal malyan iyo bar ka mid ah dadkaas waa carruur, kuwaas oo 400,000 oo ka mid ah ay nafa-darro hadda wajahayaan, halka ku dhawaad hal malyan oo ruux ay guryahooda ka barakaceen, wuxuuna Xildhibaanku nasiib-darro ku tilmaamay in mushkiladda intaas la eg aysan bulshadu wali ku baraarugsaneyn.

Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka JFS, ayuu ugu baaqay in abaartu noqoto Agenda-ha 1-aad, isagoo ka codsaday in qeyb ka mid ah mushaarkooda ku tabarucaan dadka tabaaleysan, halka Guddoonka Labada Aqal, Guddigii doorashooyinka iyo Wasaaradda Maaliyadda uu ka codsaday in lacagihii ka soo xarooday doorashada qeyb miisaan leh laga siiyo gurmadka abaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More