Xisbiga Wadani oo diiday in Somaliland isaga baxdo magaalada Laascaanood.

Jan. 02 (Jowhar.com)-Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa diiday in Somaliland ay isaga soo baxdo magaalada Laascaanood, halkaasoo mudo kabadan todobaad uu ka socdo dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulkaasi.

Xoghayaha cadaalada ee xisbiga Wadani Yoonis Axmed Yoonis ayaa suxufiyiinta u sheegay ineysan aqbaleynin in Somaliland ay isaga soo baxdo gobolka Sool, wuxuuna tilmaamay in muqadas ay tahay difaaca ciidooda, sida uu hadalka u dhigay.

Dhibaatooyinka ay ciidamadda Somaliland ku hayaan dadka shacabka ah ayuuse sheegay iney aad uga xun yihiin, isagoo eedeyn culus u jeediyay maamulka magaalada iyo saraakiisha ciidamadda.

“Qorshe xumo xukuumadda ah ayaa Laascaanood taalla, madaxweyne kuwaad u igmaday gobolka Sool way ku fashilmeen, may ahayn dadka mudaharaadka salmiga ah sameeynayay ee cowday ee xaqa u leh in la laayo, waanu ka xunahay kulama socono xukuumada,” ayuu yiri.

Xoghayaha cadaalada ee xisbiga Wadani Yoonis Axmed Yoonis ayaa dhanka kale sheegay in dadka reer Laascaanood ay taageersan yiniin iney ku hoos jiraan maamulka Somaliland.

“Laakiin waxaanu kula soconaa oo ciidamada ku taageersanahay, oo dowlada ku taageersanahay difaaca Somaliland laakiin Somaliland cidi may soo weerarin dadka yaan been loo sheegin, Laascaanood waa Somaliland, Somaliland ayay doonayaan oo ay leeyihiin yaa na-dilay.”

Si kastaba, Xaalada Laascaanood ayaa lagu soo waramaya inay saacadihii dambe tahay mid degan, ayada oo ciidamada millateriga lagu arkayay iyaga oo dhooban waddooyinka, waxaana hawada ka maqan khadka internet-ka ee magaalada oo xukuumadda Somaliland ay xoog ku jartay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More