10 kamid ah dhaawacyadii qaraxa Beledweyn oo la keenay Muqdisho

Sep 24 (Jowhar.com)-Sagaal qof oo kamid ah dadka ay dhaawacyada halista ah ka soo gaareen qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa la dhigay isbitaallada Muqdisho.

Sagaalka qof ee la geeyay Muqdisho ayaa waxa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah looga qaaday magaalada Beledweyne xalay.

Qaraxa ka dhacay shalay Beledweyne oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada ah oo walxo qarxa lagu soo rarray ayaa lagu qarxiyay xaafadda Horseed, waxayna saraakiisha Booliska Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in inta la ogyahay ay qaraxa ku dhinteen 18 qof, 48 kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Boolisku waxay kaloo sheegeen inay jiraan dad nolol iyo geeri midna aan lagu hayn, oo dad markii ugu war dambeysay joogay halka uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka, waxana ku dhawaa xarumo ganacsi iyo guryo la dagan yahay.

Magaalada Beledweyne waa magaalada labaad ee qaraxyada ugu badan ay ka dhacaan Soomaaliya marka laga soo tago caasimadda Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More