10 Shacab ah oo ku dhimatay dagaalka Garoowe, xili wali rasaas la maqlayo

10 Jun. 20 (Jowhar.com)-Ku dhawaad saddex saacadood oo xiriira oo uu socdo dagaalka Garoowe, waxa ay hadda u muuqataa in ay sii yaraanayso rasaastii xoogganayd, walow weli si goosgoos ah looga maqalayo dhinaca galbeed ee caasimadda.

Tiarada dhimashada cisbitaallada la geeyey ayaa korortay oo gaadhay 9 rayid ah iyo dhaawac 13 ah, weli lama sugin dhinaca ciidamada khasaaraha kala gaadhay, iyagu weli faahfaahinno ma bixin.

Ciidamada Puntland ayaa furay wadada dheer ee laamiga ah, oo ay subaxnimadii hore ee saaka yimaadeen ciidamo ka soo horjeeday doorashooyinkii dhacay 25kii May iyo furida Dastuurka, kana amar-qaadanaya qaar kamid ah siyaasiinta ay is hayaan Siciid Deni, kuwaas oo maalmo ka hor hanjabaad soo saaray.

Xukuumadda Puntland iyo dhinaca kasoo horjeeda, wali midkoodna ka bixin faahfaahin la xariirta dagaalkan.

Muuqaalo la baahiyey ayaa muujinaya mid kamid ah baabuurta dagaalka oo ay adeegsanayaan ciidamada kasoo horjeeda furida dastuurka oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Amniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More