Majmaca Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo taageray Shirka Arrimaha Doorashooyinka

Majmaca Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay taageero u muujiyeen shirka arrimaha doorashooyinka oo ka socda magaalada Muqdisho.

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxa ku baaqeen in la taageero kulanka ay dowlada federalka iyo madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ugaga socda magaalada Muqdisho.

Kulanka kadib ayaa waxaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed kasoo saareen Bayaan ay ku taageerayaan shirka, iyaga oo sidoo kale baaq iyo talooyin kala duwan u jeediyay hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Hoos ka Akhriso Muhiimada Bayaanka ay soo saareen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto.

2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan.

3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa.

4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More