Kheyre;”Qoraalka Farmaajo waxa uu qalqal gelineyaa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa waxa uu ugaga hadlay qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo ee uu ku sheegay inuu ku hakiyay awoodaha ra’iisul wasaaraha iyo weliba kiiska Ikraan Tahliil.

Kheyre oo ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa ugu horeyn qoraalkiisu ugaga hadlay qoraalka ka soo baxay Farmaajo isagoo kutilmaamay inuu dib u dhac ku yahay geedi socoda dib loogu xoojinayo hay’adaha dawladeenna.

“Waxaan ka walaacsanahay xaaladda adag ee dalkeennu ku jiro iyo qilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul-wasaaraha xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble.”ayuu yiri Kheyre.

“Waraaqda maanta ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday waa mid aan dan u ahayn xaaladda kala-guurka ah ee dalku ku jiro, islamarkaana qalqal gelineysa xasilloonida dalka iyo habsami u socodka doorashooyinka.”ayuu sii raaciyay Kheyre.
Kheyre ayaa waxa uu ku baaqay in la dardargeliyo arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Ra’iisulwasaaraha xil-gaarsiinta in ay dardar geliyaan habsami u socodka doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac amni.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Waxa qoraalkiisa uu ku xusay qeybaha uu aaminsan yahay in madaxda sare ee dalka ay isku khilaafsan yihiin.

“Madaxda maanta talada dalka haysa waa in ay u hoggaansamaan dastuurka, ilaaliyaanna madaxbannaanida hay’adaha madaxa bannaan sida garsoorka, hanti-dhowrka iyo bangiga dhexe.”

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa qoraalkiisa markii ugu horeysay ugaga hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

“Sida ku cad dastuurkeenna, Waa in xuquuqda muwaaddinka loo ilaaliyo si buuxda. Sidaas daraaddeed waa in kiiska Ikraan Tahliil looga dambeeyaa hay’adaha garsoorka si iyada, waalidkeed iyo shacabka Soomaaliyeedba u helaan caddaalad waafi ah.”ayuu yiri Kheyre waxana uu intaasi sii raaciyay;”Lama aqbali karo saxna ma aha in caddaalad u raadinta muwaaddinadan Soomaaliyeed dood la geliyo oo la iska indho-tiro xadgudubka loo geystay. Waa inaan si mideysan uga hor-tagno shaqsi kasta ee diiddan kiiska Ikraan oo hadda hor-yaal caddaaladda.”

Qoraalka Kheyre ayaa ugu dambeyntii waxa uu u direy baaq beesha caalamka;

“Ugu dambayntii waxaan beesha caalamka oo Soomaaliya la garab-taagan hiil ugu baaqayaa in aanay ka niyad jebin xaaladda dalka balse ay nagala shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka dalka.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More