Kulan looga hadlayay xallinta khilaafka Beeralayda iyo Xoolodhaqatada oo Jowhar lagu qabtay

Kulankan oo ay gar wadeen ka ahayd hay’adda Zamzam Foundation isla markaana ay ka caawineysay hayadda Somali Stability Fund ayaa ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe.

Waxaa kulankan ka soo qeyb galay mas’uuliyin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle oo ay ka mid yihiin wasiirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Hirshabelle Engineer C/kariin Cali Nuur, duqa degmada Saalax Muudey, gudoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Baarey, gudoomiyaha dib u heshiisiinta gobolka shabeelaha dhexe Maxamed Tooxow Cabdi iyo qaar ka mid ah ururada Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan sida xoolaleyda, beeraleyda iyo barakacayaasha.

Shirkaana ayaa looga hadlayey xallinta khilaafaadka beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ay dirirtu ku dhex marto xilliyada abaaraha tuulooyinka hoos yimaada magaalada Jowhar tuulooyinka oo ay ka mid yihiin dayma same mandheere &kuwa kalale oo dhawaan lagu dagaalamay.

Masuuliyiinta kasoo qeyb galay kulankan oo khudbado ka jeediyay shirkan ayaa soo dhaweeyay iyaga oo sheegay in ay tahay waxa loo baahan yahay kulamada ceynkaan oo kale ah.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Hirshabelle oo kamid ahaa mas uuliyiinta shirkan ka qeybgashay ayaa waxa uu ku dheeraaday ahmiyadda uu u leeyahay kulakan lagu xallinayo dadka walaalaha ah ee kala Irdhooba xilliyada roob la’aanta ay jirto isaga oo codsaday in kulamadan la ballaariyo maadaama waxtar badan uu u leeyahay wada noolaanshiyaha dadka walaalaha ah iyo xasilloonida deegaanka.

Ma ahan kulankan kii ugu horreeyeey ee la qabto balse waxa jiray kuwa kale oo dhammaantood dahranaa xallinta khilaafaadka soo kala dhex gala dadka xoola dhaqatada iyo beeraleyda. waxaana sidoo kale maalmaha soo socda lagu ballansanyahay kulumo gogol nabadeed loogu dhigayo beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ku nool tuulooyinka hoosyimaada Jowhar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More