Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga Doorashada Heer Federaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT).

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray halka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ku matalaya Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warbixin ku saabsan heerka uu marayo u diyaargarowga doorashada Golaha Shacabka ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobollada Woqooyi (SEIT).

Rooble ayaa gudiyada ku adkeeyay iney dardar geliyaan qabashada doorashada xubnaha golaha shacabka, isagoo kula dardaarmay iney si hufan oo cadaalad ah u gutaan waajibaadka loo xilsaaray.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Federaalka Soomalaiya Maxamed Xassan Cirro, ayaa sheegay in doorashada aqalka hoose ay bilaaban doonto Maalmaha soo socdo.

Guddoomiye Cirro, ayaa sheegay in wali ay xubno ka maqanyihiin aqalka Sare kuwaasi oo aan wali laga soo dooran Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More