Aasaasihii Anti Viruska McAfee oo ku dhintey xabsi ku yaal Spain

Ganacsade John McAfee oo ah ganacsade ka shaqeeya barnaamijyada ladagaalanka virus-ka ayaa meydkiisa laga helay xabsiga Barcelona saacado kadib markii maxkamada Spain ay aqbashay inay dib ugu celiso Mareykanka si uu ula kulmo dacwado la xiriira la baxsi canshuur.Waaxda Caddaaladda ee Catalan ayaa sheegtay in dhakhaatiirta xabsiga ay isku dayeen inay badbaadiyaan, laakiin aysan ku guuleysan.

Bayaan ay soo saartaya dowlada Spain ayaa lagu sheegay in Mr McAfee uu is diley.
Shirkadda Mr McAfee waxay soo saartay barnaamijkii ugu horreeyay ee ganacsi ee lagula dagaallamo fayraska.

McAfee VirusScan wuxuu helay balaayiin doolar, ugu dambayntiina waxaa looga iibiyey shirkadda weyn ee teknoolojiyadda Intel in ka badan $ 7.6bn (£ 4.7bn).

Bishii Oktoobar 2020, Mr McAfee waxaa lagu xiray Spain isagoo doonayay inuu diyaarad u raaco Turkiga, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu soo xareeyo canshuur celinta muddo afar sano ah, inkastoo uu ka kasbaday malaayiin shaqo la-talin iyo barnaamijyo kale.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku andacootay in Mr McAfee uu ka baxsaday mas’uuliyadda canshuuraha iyadoo dakhligiisa lagu shubo akoonnada bangiyada iyo akoonnada sarrifka ee loo yaqaan ‘cryptocurrency’ magacyada dadkale oo aan la aqoon.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu qariyey hanti, oo ay ku jiraan doonyaha iyo hantida maguurtada ah, isagoo isticmaalaya magacyada dad kale.

Maxkamadda Qaranka ee Spain ayaa u oggolaatay dhiibistiisa Mareykanka inuu wajaho eedeymaha subaxnimadii Arbacada.

Sanadihii la soo dhaafay, Mr McAfee wuxuu si isdaba joog ah u sheeganayay inay jirto qorshe la doonayo in lagu xiro – si kastaba maxkamada ayaa sheegtay in “aysan jirin cadeyn muujineysa” in loo maxkamadeynayo sababo siyaasadeed ama fikir, sida ay werisay El Pais.

Ganacsadaha, oo ku dhashay magaalada Gloucestershire, ee dalka Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay caan ku noqday 1980-meeyadii markii uu aasaasay shirkaddiisa tiknoolajiyadda McAfee VirusScan.

In kasta oo uu hormood ka ahaa ammanka kombuyuutarka, haddana wuxuu mar qirtay BBC-da in uusan waligii barnaamijkaas ku isticmaalin kombiyuutarkiisa gaarka ah – ama barnaamij kasta oo ka hortagga fayraska.

“Waxaan naftayda ku ilaaliyaa anigoo si joogto ah u badalaya cinwaankayga IP [internet protocol], anigoon magacayga ku lifaaqayn aalad kasta oo aan isticmaalo, iyo inaanan aadin goobaha aad ka qaadan karto virus,” ayuu u sheegay weriyaha teknolojiyada ee BBC Leo Kelion sanadkii 2013.

Wuxuu sidoo kale bilaabay dadaalo uu ku doonayay inuu ku noqdo musharaxa Xisbiga Libertarian ee doorashooyinka madaxtinimada ee 2016 iyo 2020 balse wuu ku guuldareystey.

Sannadkii 2019 Mr McAfee wuxuu muujiyey sida uu u neceb yahay canshuuraha, isaga oo bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuusan bixin wax canshuur ah muddo siddeed sano ah isagoo ku tilmaamay canshuurtu inay tahay sharci darro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More