Afhayeen cusub oo loo magacaabay wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya

May 08 (Jowhar.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah waxa uu X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga Mahad-celiyay, kuna ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Afhayeenka Cusub kula dardaarmay dardargalinta waajibaadka shaqada Qaran ee loo igmaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More