Afhayeenka Booliska oo ka hadlay dilka Atooraha Badda

April 29 (Jowhar.com) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dilka askari ka tirsanaa ciidamada booliska balse si weyn loogu yiqiin jilida barnaamijyada qalaamarogodka oo shalay lagu diley magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gurigii lagu diley Cismaan Salaad Daahir oo loo yiqiin “Atooraha Badda” ayaa sheegay in dilkisa uu ka dambeeyay nin ay saaxibo ahaayeen oo booliska ay gacanta ku dhigeen.

“Atooraha Badda dilkiisa waxaa qirtay saaxiibkiis Shuceyb Leeleefoow oo muran lacageed uu soo kala dhex galay” ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska.

Afhayeenka waxa uu sheegay in labada nin ay isku qabsadeen lacag loogu talogalay dadka masaakiinta ah oo gaareysa lixdan kun oo dollar taasoo uu diiday Atooraha Badda inuu qaato Leefleefow balse gacan ka hadal dhex maray labada nin uu ku dhintey Atooraha Badda.

Atooraha Badda ayaa xalay maqribkii ayaa lagu hordiley guri uu ka degenaa degmada Hodon xilli uu ku gudo jirey qeybinta afur dad masaakiin ah ka qaadan jirey xilliyadaas gurigiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More