Agaasimaha cusub ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda oo xilka la wareegay

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa Xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Hey’adda Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa goobjooga ahaa Raisul-wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo xubno kantirsan golaha Wasiiirada Xukuumadda Federaalla Soomaaliya.

Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyiin ka socday Hey’adaha ay wadashaqeynta la leedahay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha cusub ayuu Ra’iisal wasarae ku-xigeenka u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi oo uu ku ammaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More