Agaasimahaaa xariirka bulshada ee xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha Macruuf Xaaji oo ka warbixiyay kormeer uu Ergeygu ku tagay Degmada Dooloow

Agaasimahaaa xariirka bulshada ee xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Abaaraha Macruuf Xaaji oo ka warbixiyay kormeer uu Ergeygu ku tagay Degmada Dooloow.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar shaqo maanta ku tagay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Macruuf Xaaji Agaasimaha xariirka bulshada ee xafiiska Ergeyga Gaarka ah oo Jowhar.com uga waramayay socdaalka Ergayga ayaa sheegay in Ergayga ay Safarka ku wehliyaan ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo sidoo kale ah Xiriiriyaha iyo Isku duwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Xubno ka socda Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku diba-ridka Arrimaha Bini’aadannimo [OCHA], ayaa sidoo kale ergayga ku wehliyay socdaalka shaqo sida uu noo sheegay agaasime Macruud Xaaji.

Doolow waa magaalo marti-galinaysa kumannaan qoys oo abaaruhu ceyrteeyeen, kadib afar xilli roobaad oo baaqday. cunto yarida iyo nafaqo-xumada ayaa la filayaa inay ka sii darto, haddii gargaarka bini’aadannimo aan kor loo qaadin lana joogteyn.

Socdaalkaan ayaa ka dhigan midkii Saddexaad ee ergaygu ku tago gobollada dalka, isagoo u kuur-galaya xaaladaha bani’aadannimo, wuxuuna hore u booqday Baydhabo iyo Buulo-burde.

Ergayga ayaa horay ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax hasyta, Dowladda, deeq-bixiyaasha, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGOs-ka caalamiga ah in ay degdeg gurmadka u gaar siiyaan dadka tabaalaysan, si macaluusha soo wajahan loga hor tago.

DHAMMAAD

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More