Agaasimayaasha Wasaaradaha Qorsheynta iyo Arrimaha Diinta oo shaqo joojin lagu sameeyay

Wasiirada wasaaradaha Qorsheynta iyo maalgashiga iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimayaasha guud ee wasaaradahaas.

Labada agaasime guud ee shaqada laga joojiyay ayaa lagu eedeeyay ku takri fal awoodeed, ku xad gudub shaqaale, anshax xumo, xurmad la’ aan iyo khilaaf soo noq noqday ee u dhaxeeya agaasime waaxeedyada hoos yimaada.

Xilka Agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa waxaa si kumeelgaar ah loogu magacaabay Xasan Cabdiraxmaan Xuseen kadib markii shaqo joojin lagu sameeyay agaasimihii hore Cumar Faaruuq Cabdicasiis Cusmaan.

Sidoo kale waxaa loo magacaabay xilka agaasimaha guud ee wasaarada qorsheynta Asad Yuusuf kadib markii shaqo joojin lagu sameeyay agaasimihii hore Cabdiqadir Maxamed Aadan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More