Akhriso Magacyada Musharaxiinta ku tartamaysa maanta  kuraasta Golaha Shacabka magaalada Dhuusamareeb

Waxaa maanta lagu qabanayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Afartan kursi ayaa waxaa la shaaciyay musharaxiinta ku tartami doonto oo tiradoodu gaareyso toban musharax kuwaasoo labo kamid ah ay yihiin haween.

Kuraastan ayaa mid kamid ah xildhibaanadii hore ugu fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Mustaf Dhuxulow uu u tartami doonaa inuu difaacdo kursigiisa halka labo musharax kale aysan ka mid ahayn tartamayaasha iyadoo mid kamid ah xildhibaanadii hore ugu fadhiyay uu ka mid noqday Aqalka Sare.

Afartaan kursi ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay.

#HOP139 C/xakiin Macalin Axmed Maalin
#HOP049 Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
#HOP051 Xasan Macalin Maxamud Sh.Cali
#HOP061 Cabdiweli Maxamed Qanyare

Tartanka maanta waxaa kursiga lambarkiisu yahay #HOP139 ku tartamaya musharaxiinta kala ah; Cabdisamad Maxamuud Xasan iyo Xamdi Shire Cali.

Kursiga labaad #HOP049 waxaa ku tartamaya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo hore ugu fadhiyay kursiga iyo musharaxiinta kala ah C/hi Cabdi Guutaale,Jamiilo Cali Xeyle iyo Cabdinuur Ciise Xiirey.

Kursiga saddexaad ee #HOP051 waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Xuseen Maxamed Nuur iyo Maxamed Geedi Cawaale.

Kursiga afaraad ee #HOP061 waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah Dayax Axmed Cumar iyo Cabdiqadar Abuukar Cabdi.

Xilliga loo qabtay in lagu soo dhamaystiro doorashada Golaha Shacabka ayaa isa sii guraya iyadoo ay ka harsan tahay wax ka yar bil mudadii lagu heshiiyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More