Akhriso sagaalka dal ee lagu tegi karo Viiso La’aan Baasaboorka Soomaaliga

Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan kaalinta 106-aad kasoo galay liiska caalamka.
Guud ahaan 33 waddan ayaa lagu gali karaa baasaboor Soomaaliga, oo ka horreeya baasaboorrada Yemen, Pakistan, Suuriya Ciraaq iyo Afghanistan.

Hase ahaatee dalalkaas dhammaantood ma wada aha kuwo uu qofka Soomaaliga ah ee baasaboorka Soomaaliga ah wata ku geli kato Visa la’aan.
Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tigidh goosto tooska ugu dhoofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.

Dalalkan ayaa kala ah:

Benin – oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Gambia – oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.

Haiti – oo ah waddan ku yaalla gobolka la isku yiraahdo Caribbean oo ka tirsan Latin Ameerika.

Dominica – oo ah dal kale oo ku yaalla isla gobolka Caribbean. Balse ma aha waddanka la dhaho Dominican Republic, inkastoo ay isku gobol yihiin.

Cooc Islands – oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xiriir siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.

Malaysia – oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya.

Micronesia – oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Ociana oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda uga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.

Niue – oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.

Saint Vincent and the Grenadines – oo ah waddan jasiirado ka kooban oo ku yaalla koonfurta gobolka Caribbean.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More